Dhageyso:RW,Sharmaake oo shir Gudoomiyey kulankii Golaha Xukuumada Soomaaliya

0
235

Muqdisho(INO)- Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa manta shir gudoomiyey fadhiga golaha Wasiirada ee dawladda Soomaaliya, todobaad ka dib markii lagu weeraray badankoodo Masaajid ay salaadii Jimcaha ku tukanayeen.

Halkan Ka Dhageyso.

Fadhiga golaha Xukuumada ayaa looga dooday arrimaha amaanka dalka, Hiigsiga 2016-ka iyo sidii dhaawacyadii ka dhashay weerarkii Central loogu qaadi lahaa dibada dalka, maadaama qaar badan oo ka mid ah yihiin kuwa ubaahan gargaar deg deg ah.

Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Haji ayaa sheegay in ay Wasiiradu soo bandhigeen xogo badan oo ku aadan amaanka dalka, isla markaasna laga soo saaray amaro adag oo ku wajahan amaanka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho.

unnamed

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed (3)

unnamed (4)

unnamed (5)

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here