Baydhabo(INO)-Gudoomiyaha Gobolka Bay,Dr. Cabdi Aadan Hoosow iyo Saraakiil Ka Tirsan Maamulkiisa Ayaa booqadey Cusbitaalka Guud ee Degmada Baydhabo Janaay, isagoona halkaasi, warbixin kaga dhageystey Agaasimaha Guud ee Cusbitaalka Baydhabo Dr. Cabdullahi Maxamed Aadan.
Agaasimaha Guuda Ee Cusbitaalka Degmada Baydhbo ayaa Sheegey in Cusbitaalku uu iminka lagu wado dhismooyin cusub isla markaana waxa uu intaa ku darey in dardar galinta Howlaha Shaqo ee cusbitaalku Si habsami leh ay u scoodaan.
Isku Duwaha Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ee Gobolka Bay, Dr.Yuusuf Barre ayaa Amaaney Godoomiyaha Gobolka Bay, doorkii uu ku Geystey hormarinta iyo Sii socodsiinta shaqada Cusbitaalka Baydhabo “ Gobolada Bakool, Bay iyo Gedo Bukaanada laga keeno ayaa lagu dabiiba cusbitaalkan, Dhismooyin cusubna waa laga soo Kordhiyey, Shaqada cusbitaalku waa mid aad fiican waaye hada” Ayuu yiri Dr. yuusuf Barre.
Gudoomiyaha Gobolka Bay, Dr. Cabdi Aadan Hoosow, Ayaa Kula dardaaramey Shaqaalaha Cusbitaalka Baydhabo in ay Muujiyaan iskuubni iyo Shaqo hufan oo ay u qabtaan Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya “ Cusbitaalkan Waxa uu ahaa Wax yaabihii ugu horeeyey oo maamulkeyaga xooga saarey” Ayuu yiri Dr. Cabdi Aadan Hoosow.
Dhan kale Gudoomiyaha Gobolka Bay, ayaa booqadey Qabrigii Ex. Xildhibaan Marxuum AUN Maxamed Ibraahim Xaabsade oo Bishii hore lagu aasey gudaha magaalada Baydhabo” Waxaan Alle ugu beryaa in uu geeyo janadiisi waxa uu ahaa Siyaasi weyn oo Jagooyin kala gedisan ka soo qabtey Dalka Soomaaliya, Anigu waan maqanaa xilligii la Aaseyey” Ayuu yiri Hoosow.
Halkan Ka Daawo.