Dhageyso Xildhibaanada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Lasoo xulayo+ Amaanka Oo La Sugey

0
235

Muqdisho(INO)-Waxa aad looga dareemayaa Magaaladda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay,  qaban qaabo balaaran oo loogu jiro Xulida Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

dasruurka

Waxaa ku howlan xulida Baarlamaanka gudigii loo xilsaaray in ay soo xulaan baarlamaan matali kara maamulka koonfur galbeed oo ay xaruntiisu tahay Magaaladda Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Kulan looga hadlayay soo xulista Xildhibaanada Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya  ayaa waxaa Magaalada Baydhabo  Janaay ku qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Malaaq Deeroow oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya   ayaa sheegay in hada la guda galayo xulista Barlamanka Maamulka taasi oo uu sheegay in ay isla garteen Madaxweynaha in la dadajiyo.

Maxamed Aadan ayaa Warkaan kasoo diray Baydhabo Janaay.

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here