Mudisho(INO)-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraad Badda ee dawladda Soomaaliya Maxamed Cumar Caymow ayaa shegay in ay Wasaaradiisu muhiimada koowaad siin doonto, sidii xeebaha Soomaaliya dhamaanba looga saari lahaa Maraakiibta jariifka, kuwaas oo si sharci daro ah maalin kasta u rarta Kheyraadka Badda ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in ay xog badan ka hayaan Maraakiib badan oo ku jira xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo maalin kasta dhaca Hantida Soomaaliyeed, aysana jirin cid kala xisaabtama ama wax ka weydiisa Jariifka ay wadaan.
Mr, Caymow ayaa sheegay in ay jiraan tiro yar oo Maraakiib ah oo haysta ogolaanshaha dawladda Soomaaliya iyo dawlad gobaleedyada Soomaaliya, isagoo sheegay in looga baahan yahay dhamaanba Maraakiibta heysata Sharciyada in ay qaatan oo kaliya waxa loo ogolaaday.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho.