Muqdisho(INO)-Gudiga Amniga Qaranka ee dawladda Soomaaliya ayaa xalay yeeshay kulan qaatay saacado badan oo looga hadlayay dhacdooyinka amaanka ee caasumada Soomaalida iyo sida loogu baahan yahay in wada shaqeyn toos ah dhexmarto ciidamada kala duwan ee dawladda Soomaaliya.
Wasiirada ku shaqada leh amaanka dalka ayaa ka qeybgalay kulankan,iyadoo sidoo kale ay joogeen Taliyaasha ciidamada kala duwan ee dawladda Soomaaliya.
Mudadii uu socday shirka ayaa lagu soo qaaday qaraxyadii udambeeyey iyo arrimaha laga qabtay, wuxuuna wasiirka Amniga Qaran Cabdirisaaq Daahir uu si faahfaahsan uga waramay waxa qabsoomay ilaa hada.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Max’ed Yuusuf Osman ayaa sheegay in ay wax badan ka soo baxeen kulankan, isagoo sheegay in uu wasiirka Amniga keenay qorshe cusub oo ay ku wada shaqeyn doonaan ciidamada faraha badan ee jooga caasumada Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho.