Somaaliya oo Heshiis 5 Sano ah la gashay Bangiga Horumarinta Africa iyo IGAD

0
215

Addis Ababa (INO) — Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Qalinka ku duugtay Heshiis 5 Sano ah oo ay la gashay Urur Goboleedka IGAD iyo Bangiga Horumarinta Africa (ADB) kadib Kulan ka dhacay Addis Ababa.

Teaser Image Somaaliya oo Heshiis 5 Sano ah la gashay Bangiga Horumarinta Africa iyo IGAD

Heshiiskan Saddex Geesoodka ah, ayaa ah mid ku saabsan Sidii ay Dhinacyada isaga kaashan lahaayeen Qaabkii loola tacaali lahaa Abaaraha kusoo laab laabtay Geeska Africa iyo in la abuuro bulshooyin wax u qaban kara nolashooda xiliga ay abaaruhu sooo wajahaan.

Wasiirka Cusub ee Maaliyadda DFS Maxamed Adan Ibraahim ayaa u saxiixay Heshiiska dhanka DFS, waxaana uu tilmaamay Muhiimadda Soomaaliya u leeyahay Heshiiskan Cusub ee loogu magacdaray “Barnaamijka Nolol Abuurka iyo u Adkaysiga Abaaraha.”

“IGAD, DFS iyo Bangiga Horumarinta Africa waxay doonayaan inay abuuraan 50-ta Sano ee soo socota Qaab Cusub oo ujeedkiisu yahay in la hubiyo in Bulshooyinka u jilicsan abaaruhu ay yeeshaan hab-nooleed la jaanqaadi kara noloshooda caadiga ah” ayuu yiri Maxa’ed Aadan.

Qodobada Heshiiska:

  • In 5-ta Sano ee soo socota la hormariyo Nolosha Dadka iyo Xoolaha Geeska Africa, lana sameeyo Tallaabooyin lagu joojinayo Xaalufka Dhirta lagu hayo.
  • In la sameeyo Mashaariic ballaaran oo lagu horumarinayo Wax-soo-saarka Beeraha iyo in sare loo qaado Caafimaadka Xoolaha kahor inta aan loo suuq geyn dibadda, iyadoo loo sameynayo Xarumo lagu xanaaneeyo.
  • In la dhiira-geliyo Wax-soo-saarka Haweenka, iyadoo laga taageerayo waxyaabaha ay u baahan yihiin ee kor u qaadaya Dhaqaalaha ay sameeyaan.
  • In la tayeeyo dadka loona samaayo Hay’ado kor loogu qaadayo wax soo saarka Beeraha iyo Xoola ee Gobolka Geeska Africa, gaar ahaan Dalalka IGAD.

Idale News  Online –  Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here