Sicir Barar Laga Soo Sheegayo Degmooyin Ka Tirsan Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya

0
222

Baydhabo(INO)-Iyada oo ay go’doonsanyihiin inta badan magaalooyinka Bay iyo Bakool oo waddooyinkii gali lahaa ay xireen dagaalyahanada Alshabaab ayaa waxaa degmooyinkaasi laga soo sheegayaa sicir barar iyo waliba hoos u dhac ganacsiga.

Degmada Waajid ee gobolka Bay oo horey u ahaan jirtey magaalo xagga dhaqdhaqaaqa ganacsiga muhiim u ah ayaa ah meelaha sida weyn looga dareemey waddooyinka xiran iyo waliba sicir bararka ah.

Waxaa ugu wacan sicir bararka badeecooyinkii oo aanan si joogto ah u gaarin magaalada.

Faadumo waxa ay ka mid tahay dadka deegaanka Waajid, Idale News Online g ayay oga warantay sida ay xaaladdu tahay “Gaari nooma soo galo, nolosha waa ay adagtahay,marmar mucaawino baabuurta lagu keeno oo ay dowladda keento mooyee wax kale ma jiraan, dowladda waxaan ka codsanaynaa in ay waddooyinka noo furan”.

Waddooyinka xiran waa dhibaatada ugu weyn ee ay dadka ka sheeganayaan, waxayna yeelatay saamayn tii ugu xumeyd, sida uu qabo mid ka mid ah odayaasha magaalada oo lagu magacaabo Maxamuud Xasan “ Dhib weyn ayaa na heysta, raashiin nooma soo galo, baabuurtii nooma timaado, dadkii xitaa wixii ay wax ku gadan lahaayeen xitaa ma heystaan” ayuu yiri oday Xasan.

Guddoomiyaha degmada Waajid Cabdulaahi Gardhuub ayaa dhankiisa ka deyriyey xaaladda wuxuuna yiri “Magaalada haddii ay jidadkii xiranyihiin waxaad garan kartaa in uusan ganacsi jirin, meel wax nooga soo galo ma jiro”.

Ma jiraan wax hawlgalo ah oo ka socda gobolada Bay iyo Bakool oo go’doominta looga qaadayo magaalooyinka iyo degmooyinka.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here