Maxaadan La Socon Oo Ka Socoda Magaalada Baydhabo Janaay?

0
226

Baydhabo(INO)-Waxa aad looga dareemayaa Magaaladda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay,  qaban qaabo balaaran oo loogu jiro Xulida Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

dasruurka

Waxaa ku howlan xulida Baarlamaanka gudigii loo xilsaaray in ay soo xulaan baarlamaan matali kara maamulka koonfur galbeed oo ay xaruntiisu tahay Magaaladda Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Sarkaal Ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaiya  oo ku sugan magaaladda Bydhabo ayaa U xaqiijiyay Shabakada Warbaahinta Idale News Online in  aad loo adkeeyay amaanka magaaldda Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay isla markaana Beelaha Qaar ay hada  ka bilaabeen wadatashyo dhexdooda ah.

Dhan kale , waxaa lagu wadaa in uu magaaladda Baydhabo gaaro madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya  Shariif xasan Sheekh Aadan si uu uga qayb qaaato Xulinta Baarlamaanka maamulkiisa.

 

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here