Daawo: Wasiirka Waxbarashada &Barbaarinta Ee KGS Oo Ka Dhabeeyey Baaqii Jaamacadda Bay& Bulshada KGS

0
278

Muqdisho(INO)Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowlada KGSoomaaliya Mudane  Saadaad Maxamed Nuur Caliyow oo shirkii  Lagu weyneynayey Ahmiyada Af-maxaatiriga ka soo Hadal qaadey in Afka Soomaaliga Maay-ga lagu sameeyo Daarassad sida Afka Maxaaga Daraasaad loogu sameynaayo.

Wuxuu wasiirka sheegey in afka Maayga in uu yahay Af xigmad badan waxaa soo dhoweeyey hadalka wasiirka Madaxweynaha Jabuuti Cismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiiro ka kala socda Wadamada Afka Soomaaliga looga hadlo, Gudiga Qalinleyda Soomaaliyeed, Gudoonka Akadeemiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) iyo Aqoonyahanadii Kasoo qeyb Gashey Shirka waxaana la isku Raacey in mar dhow lagu furi Doono xarun kale Magaalada si kumeel gaar ah Caasimad ugu ah KGS magaalada Baydhabo Janaay.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya  Mudane Saadaad Maxamed Caliyow ayaa Ka dhabeeyey  Baaq dhawaan ka soo yeerey Jaamacadda Bay iyo Waxgaradka Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Ku Aadana in wasiirku uu u istaago Hormarinta Afka-Maay-ga.

Halkan Riix  Baaqii Jaamacadda Bay& Waxgaradka KGS.

Si kastaba ha ahaatee Bulsho Soomaaliyeed Oo Lagu Qiyaaso 3.5 million oo ruuxa ayaa ku hadashaa Af Soomaali Maayga waxaana looga hadlaa Gobolada  Bay , Shabeellaha HooseBakoolGedo,Jubbada Dhexe,Jubbada Hoose,Banaadir iyo meelo ka mid ah Deegaanada ismaamulka soomaali galbeed ee itoobiya iyo waqooyi bari ee dalka kenya.

Ugu Dambeyntii Sanadkii 2004 ayey ka ahayd ka dib markii Aqoon yahano soomaaliyeed ay u fariisteen Qorista Alif maay-ga  Balse Degaanada Looga Hadlo Dadka Ku dhaqan 95%  ma qori karaan Afka Maay-ga taasoo, Sabab u ah  in degaanadaasi aan si toos ahi  looga Fulinin iskuulo  ama Olole lagu Hormarinayo Luuqda Maay-ga Oo ka mid ah luuqadahaCushtic  oo looga Hadlo Mandhiqada Geeska Afrika.

Halkan Ka Daawo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here