DEG DEG:Dab Xoogan Oo Ka Kacay Goob Shidaalka Lagu Iibiyo Oo Ku Taalla Magaalada Muqdisho

0
223

Muqdisho(INO)-Wararka ka imaanaya Isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka kacay dab xoogan gaar ahaan goob shidaalka lagu iibiyo.

breakingIdaleNews

Dabkaan oo qaabka uu ka bilawday warar kala duwan ay kasoo baxayaan ayaa hadana waxaa la sheegayaa in meelo badan oo shidaalka lagu iibiyo uu kusii faafay.

Waxaa la arkayaa Uuro Madow iyo holac xoogan oo halkaasi ka baxaya, iyadoo dhanka kale ay socoto dadaalka lagu doonayo in dabkaan lagu damiyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Idale News Online, Muqdisho