Hiiraan(INO)–Madaxweynaha dawladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay tagay gobalka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ka codsaday odayaasha beelaha gobalka in ay ka tagaan Qabyaalada iyo hurinta colaadaha, isagoo sheegay in ay eeda ugu badan ee hurinta dagaalada leeyihiin Duqowda dhaqanka ee gobalka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay marar badan soo jeediyeen in la joojiyo colaada gobalka, isla markaasna ay Odayaashu noqdaan kuwa mar kasta uhiiliya nabadgalyada, halkii ay noqon lahaayeen kuwa huriya colaada, isla markaasna guubaabiya dhalinyarada.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ay wax xun tahay qabyaalada laguna waayay Boqolaal Wiil oo bilo iyo maalmo ka hor dunidan ka shaqeysanayay, wuxuuna tilmaamay in ay dawladda Soomaaliya diyaar utahay hadii ay Odayaashu joojinayaan dagaalka in ay gacan weyn ka geysato sidii meesha looga saari lahaa dagaalada.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Hiiraan.