Daawo: Poff. Cabdi Baffo Oo Booqadey Jaamacadda Upper Jubba Ee Baydhabo Janaay

0
279

Baydhabo(INO)-Waxa Maanta  Magaalada Baydhabo Janaay  Ee Xarunta Gobolka Bay,  booqasho ku yimid Aqoonyahan weyn ee dhinaca Culuumta  Beeraha  ah Prof. Cabdi Baffo  Isla markaana waxa uu  booqdey Jaamacada Upper Jubba oo Lagu barto kuliyadaha  Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha, oo Shacabka  Koonfur Galbeed Soomaaliya ay u ooman yihiin.

waxaana  Ku Soo dhaweeyey jaamacadda, Madaxda Xafiiska Maamullka Jaamacada UPPER JUBBA Prof. Idiris Cabdi Axmed Takhtar   isla markaana u  uu sharxey Shaqada Jaamacada iyo isku dabaridka Howlaha Guud  ee jaamacada, ,Isla markaana   waxa uu  kor meerey qiibaha  Kala Gedisan ee  jaamacadda Jubbad Sare ee Baydhabo,Waxa la filayaa in isku xir  caalami ah  uu u sameeyo jaamcadda Jubbada sare iyo Jaamacado kale.

Sidoo kale Prof. Cabdi Baffo wuxu  booqadey Xafiiska Aqoonyahanada koonfurta Soomaaliya ee Baydhabo, halkaasoo uu kulun kula soo qaatey aqoonyahnada iyo Weliba Siyaasiga Weyn ee Qalinle.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here