Muqdisho(INO)-Waxa Shir Balaaran isuga yimid Odayaal, waxgarad, Aqoonyahno, iyo Dhalanyaro ka soo jeeda Beesha Hubeeer Ayaa ka Dhacey Magaalada Muqdisho Ee Xarunta Gobolka Banaadir.
Shirkan Oo ahaa mid muhiim ah isla markaana ujeedkiisa ahayd sidii beesha Hubeer loo mideyn lahaa oona la isugu xiri lahaa Meelkasto ay joogaan ee gobolada Dalka Soomaaliya, Isla markaana Door lixaad leh ugu qiib qaadan lahaayeen xasalinta Soomaaliya, iyo sidoo kale sidii Ay u Soo xulun lahaayeen Xildhinanada Ugu mid noqonayo Maamulka Jubba iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Proff. Xuseen Iiman & Dhalinyarada Beesha ayaa waxaa lagu marti qaaday Wax garadka & xildhibaanada, Aqoonyahanada Beesha.
Shirkan ayaa waxaa laga soo saaray War Murtiyeed, kaasoo ahaa in Beesha Hubeer loo sameeyo Hogaan Waayo arag ah oo Aqoon leh, sidoo kale waxaa shirkan loogu dhawaaqay dhamaan deeganada ay kala soo jeedaan Beesha ay xubno soo magacowdaan si uu isla xisaabtan u jiro.
Shirkan oo si nabad ah usoo gaba gaboobay ayaa waxa Jimcaha danbe la balamay in qodobo xeer hoosaad u ahaan doono Beesha Hubeer la ansixiyo, waxaana lagu wargaliyey dhamaan Beeshu in ay kasoo qayb gallaan si wax la isla ogaado.
Halkan Ka Daawo Sawiradda.
ii