Ciidamada Amaanka Ee Baydhabo Janaay Oo Howlgalo Adag Ka Wada Gudaha Magaaladaasi

0
239

Baydhabo(INO)-Ciidamada amniga maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa maanta hawlgallo amniga lagu sugayo ka sameeyey xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

baydhabo

Taliye ku xigeenka ciidamada booliska degmada Baydhabo Gaashaanle Cali Salaad Maxamed ayaa ka warbixiyey hawlgal ballaaran ee ay maanta ciidanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka sameeyeen xaafadaha magaalada Baydhabo.

Taliye ku xigeenka ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen dad lagu tuhunsan yahay iney ku lug leeyihiin falalka amni darrada ah ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Baydhabo,wuxuuna sheegay in dadka la hayo lagu samaynayo baaritaano dheeriya.

Gaashaanle Cali Salaad Maxamed taliye ku xigeenka booliska magaalada Baydhabo ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo ugu baaqay iney ciidamada amniga garab kusiiyaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga magaalada isla markaane looga hortagi lahaa falalka lidiga ku ah nabadgalyada magaalada.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay dilal lala beegsaday culima’udiin Soomaaliyeed oo si weyn looga yaqaanay gobolada Baay iyo Bakool.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here