Dhageyso:Qoryooley oo dadka loo Dilo si aan Waligeed Horay loogu Arag+ Baaq Loo Direy KG Soomaaliya

0
245

Qoryooley (INO) – Wararka ka Imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Halkaas ay Labadii Todobaad ee lasoo Dhaafay ka Dhaceen Dilal aan horay iyagoo kale loo Arag.

Teaser Image Qoryooley oo dadka loo Dilo si aan Waligeed Horay loogu Arag “Dhegeyso”

Xoghayaha Dowladda hoose ee Degmada Qoryooleey Aadan C/shakuur Dhageey, ayaa sheegay in Degmada Duleedyadeeda ay Labadii Todobaad ee lasoo Dhaafay dilalka dad Muhiim u ahaa Bulshada Qoryooley, Waxaa Dilalkaas Kooxaha Geysanaya ayaa qofka inta Dilaan waxaa ay ku Ridayaan Jawaan Banaanka ayeyna kusoo Tuurayaa oo in ay Bahalladu Cunaan ayey Halis u tahay.

Halkan Ka Dhageyso.

Sidoo kale wuxuuna ka dalbaday maamulka koofur galbeed iyo dowlada Soomaaliya in arintaasi ay wax ka qabtaan 

Aadan ayaa sheegay in ay Jiraan Dagaallo, kuwaa oo aan loo saleyn karin sida uu sheegay Dilalka aan Horay loo Arag ee ka dhacaya Duleedada degmada Qoryooley.

Degmadaas Al-shabaabkii ka Talin jiray waxaa ay ku Reebeen Mahadho, taasoo ah in ay isku Direen Beelihii Halkaas degganaa intii ay Joogeen degmada, Al-shabaab waxaa ay dadka deegaanka uga tageen in ay Beelaha qaar hubeeyeen si ay u dilaan kuwa kale, waxaana Intaas kedib Dadka degmadu ay ahaayeen kuwo Billaabay in ay is laayaan weliba hab beeleed.

Idale News  Online – Qoryoley

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here