Muqdisho(INO)-Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay wadaan qaban qaabo xoogan oo ku aadan in la sameeyo dibabax ka dhan ah Bankiga Merchants oo dhawaan ku dhawaaqay in uu xiray xisaabaadkii Xawaaladaha Soomaalida ku lahaayeen Bankigaasi.
Gudoomiyaha Jaaliyadda Minnesota Sadiiq Warfaa oo u waramay Warbaahinta, ayaa sheegay in ay wadaan dadaal xoogan oo ay ku doonayaan in deg deg lagu keeno isbedal, walibana ay muujin doonaan dareenkooda.
Xawaaladaha qaar ayuu sheegay in ay u furanyihiin Bankiyo yar, laakiinse muhiimadda ay tahay in Bankigii la xiray dib loogu furo xawaaladaha si shacabka Soomaaliyeed ee dalka ku nool loo soo gaarsiiyo qarashaadka ehladooda ka helayaan.
Arintaan xaniban ayuu sheegay in ay ka xaniban tahay heer Federaal, islamarkaana ay Bankiyada ku adkeeyeen in ay sii wadaan xawaaladaha xisaabtooda.
“Bankiga Cabsi ayuu ka muujiyay oo ah in ganaax uu kala kulmo dowladda Federaalka, taasi ayaa keentay in xisaabaadka Xawaaladaha la joojiyo, hadda waxaa la filayaa in kulan uu dhaco, taasi oo laga yaabo in ay kasoo baxaan natiijooyin ku aadan in culeyska la qaado, anaga shirkaan kahor shir kale ayaan qaban donnaa, oo aan isku dayeeyno in waxbadan aan ku cadeyno” ayuu yiri Gudoomiye Sadiiq.
Dhanka kale Gudoomiyaha Jaaliyadda Minnesota ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka banaanka soo dhigi doonaan aragtidooda, ayna sameyn doonaan Dibadbax iyo sidoo kale wax walba oo ay awoodaan.
Ugu dambeyn dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay xoojiso walaaca ay ka qabto arintaasi, islamarkaana ay qoraal adag usoo dirto dowladda Maraykanka.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, MN