Muqdisho(INO)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa ku eedeeyay Alshabaab inay u adeegayaan kooxo kale, sida uu sheegay isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay weerarada ay ka geystaan magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jabuuti wuxuu sheegay in rajo weyn ay ka qabaan in Alshabaab looga adkaado dagaalada ka socda dalka Soomaaliya, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka mideysan yihiin arintaasi.
Dhanka kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa ku ammaanay dowladii Soomaaliya ee dadaalka dheer u gashay in xornimo ay helaan shacabka Jabuuti, isagoo sheegay in marnaba aysan iloobi doonin qaabkii ay xoriyada ku heleen.
Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana kusoo dhaweeyay Muqdisho madaxweynaha dalka iyo madaxda dowlada Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho.