Dhageyso:Cumar Shooli Orginal iyo Cumar Shooli Copy Maxaa Kala Qabsadey?

0
297

Muqdisho(INO)-Maalmahan waxaa bogagga bulshada ee Soomaalidu ay isticmaasho ku badnaa hadal heynta Hees Cusub oo uu sameeyay fanaan da’yar oo la yiraahdo Cumar Cismaan Macaane (cumar Shooli) oo deggan dalka Mareykanka.

cumar'

Heestaasi oo ay la jileyso gabar Soomaaliyeed waxaa iyada oo muuqaal ah la soo geliyay bogga Youtube.

Waxaa markii ay daawadeen ka qayliyay muuqaalka heesta, dad badan oo Soomaali ah oo aan jecleysan gabadha oo meelo jirkeeda ama cawradeeda ah banaanka soo dhigeysa isla markaana ay isku dhag dhegayaan oo ay is shuminayaan heesaaga Cumar Shooli.

Haddaba fanaanka Cumar Cabdulle Shooli oo ah Madaalihii Hoballada Waaberi, ayaa sheegaya in fanaankan cusub uu ku cayaaray sumacadda magaciisa oo isaga lagu yiqiin.

Halkan Hoose Ka Dhageyso Waraysi Labadoodaba Laga Qaaday Yaa Saxan Yaase Qaldan,

Idale News Online, Muqdisho,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here