Dhaawaca Ra’iisul Wasaare ku Xigeen Carte oo Turkiga loo Qaaday

0
228

Muqdisho (INO) – Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Dalka oo Shalay ku dhaawacmay Qaraxyo ka dhacay Hotel ku yaalla Muqdisho ayaa Goordhow loo dhoofiyey Dhaawaciisa Dalka Turkey.

Teaser Image Dhaawaca Ra’iisul Wasaare ku Xigeen Carte oo Turkiga loo Qaaday

Maxamed Cumar Carte ayaa la sheegay in dhaawaciisa loo Qaaday Dalka Turkey ka Gadaal markii sida la sheegay lagu Aamini waayey in Caafimaadkiisa Halkan wax looga Qaban Karo.

Wasiiradda Caafimaadka Dalka oo Maanta Booqatay ilaa Afar Isbitaal oo Muqdisho ah ayaa sheegtay in Caafimaad Dibadda ah loo qaadayo ilaa 10 qof oo ku Dhaawacantay Weerarkii Shalay ee Xilli la Dukanayo Salaadda Jimce ay Argagixisadu ka Fulisay Muqdisho.

Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkaas oo dad Badan oo Dukanayey ay ku dhinteen, waxaana ay DFS la Kaashaneysaa soo Daaweynta dadka ku dhaawacmay Weerarkaas Dowlado ay Saaxiibo siyaasadeed yihiin oo ay ka mid yihiin Turkiga iyo Imaaraadka Carabta, Imaaraadkuna Maantaba waxaa ay ka dhawaajisay in ay Qaadeyso Dhamaan dadka ay Dhaawacyadoodu Culusyihiin ee iyagoo Cibaadeysanaya la Laayey.

Idale News Online –  Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here