Sirta(INO)-Dagaalyahano katirsan Xoogaga Islaamiyiinta Daacish ayaa dhoolo tus milatari waxa ay kusoo bandhigeen Magaalada Sirta ee Dalka Liibiya, waxa ayna dagaalyahanadan banaanka usoo saareen gaadiidka dagaal ay heestaan iyo gaadiid kale oo aad u badan.
Kooxdan Daacish katirsan ayaa muujinayay cududooda milatari ay ku leeyihiin gudaha Dalka Liibiya, waxa ayna kooxdan hada u muuqdan awood leh oo kaasoo ifbaxaya dalka Liibiya ay ka jiraan dagaalo u dhaxeeya Ciidamo Dowlada Daacad u ah, Ciidamo uu wato Hogaamiye kooxeed iyo dagaalyahano Islaamiyiin ah.
Dagaalyahanada Daacish katirsan ayaa dhawaan gudaha Dalka Liibiya waxa ay ku gowraceen 21-qof oo u dhashay Dalka Masar, waxa ayna arintaasi keentay in Dowlada Masar ay duqeymo dhanka circa ah ka fuliso gudaha Liibiya gaar ahana xarumo ay kooxdan ku leeyihiin dalkaasi.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Sirta, Libiya.