Daawo: Kulan Lagu soo Bandhigayay Ahmiyada Afka Maayga Oo Ka Dhacey Holka Shirarka Ee Jaamcadda Bay

0
233

Baydhabo(INO)- Kulun balaaran oo ay ka soo qiib galeen Wasiiro,  Xildhibaano, Ganacsato, Odayaal iyo Ardeyda Jaamacadda Bay, ayaa ka dhacey Holka shirarka Ee Jaameracadda Bay ee Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Kulunkan ayaa ujeediisu ahayd  isla markaana lagu falanqeynayey sidii Af-May-ga Ee Looga Hadla Gobolada Koonfurta Soomaaliya iyo Qiibo ka mid ah  Waqooyig beri Kenya, sidii loo hormarin lahaa,  isla markaana Manhajka Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya looga Soo dari lahaa Luuqada Maay- Maay-ga.

Kulunkan  oo ay ka hadleen, Siyaasiin Qurboo joog ah iyo Waxgaradka Magaalada Baydhabo ayaa Waxay ugu Baaqeen  Wasiirka Wasaaradda Waxbaradaha iyo Barbaarinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Caliyow in uu  u is istaago hormarinta Afka maay-ga, Miyi Iyo Magaalo intuba.

Xussen Xasan Mursal Oo Ka Mid ah waxgaradka Magaalada Baydhabo ayaa Sheegey”  Maanta waxa aan Halkan U fadhinaa sidii  Af- Soomaali-Maayga Loo Hormarin Lahaa , Dastuurka Soomaaliya wuu ku Xusan yahay Af-Maayga, Maanta Waxa farxad weyn inoo ah in Jaamacada Bay  oo markii  ugu Horeysey ay Go’aansatey in lagu Dhigo ama Manhajkeedu lagu darayo Luuqada  Maay-ga madaxdeeda iyo Ardaydiyeena ay Ogolaaden Waa Arin Farxad Iyo Hormar leh” Ayuu Yiri Xuseen Xasan Mursal.

Dhanka  kale Madax Jaamacada Bay, Prof. Jibril Ayaa Sheegey in Jaamacada Bay, Mar weliba ay u taagan tahay Raadinta Tayadda Waxbarasho Ee Degaanada KG Soomaaliya iyo Maamulka Suuban,  isla markaana waxa uu  intaasi  raacey in Jaamacada hada iyo waxii  dambeeyo si toos ah ardeyda Ay qaadan doonaan Luuqada Maay-ga “ Wasaaradda Waxbarashada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Waxaan Ka Codsaneynaa in talaabadan aynu qaadaney wax Nagala Qabato isla makaana ay Hormuud ay u noqoto Taaba galinta Hormarinta Af- Soomaali- Maay-ga, Fikirku way nala Waadaagta Balse waxaaan Si dhab ah aynu ugu Codsaneeynaa Sii socodsiinta Barnaamijkan Lagu Hormarinyo Luuqada Maay Maay-ga” Ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee Bulsho Soomaaliyeed Oo Lagu Qiyaaso 3.5 million oo ruuxa ayaa ku hadashaa Af Soomaali Maay-ga ,  waxaana looga hadlaa Gobolada  Bay , Shabeellaha HooseBakoolGedo,Jubbada Dhexe,Jubbada Hoose,Banaadir iyo meelo ka mid ah Deegaanada ismaamulka soomaali galbeed ee itoobiya iyo waqooyi bari ee dalka kenya.

Ugu Dambeyntii Sanadkii 2004 ayey ka ahayd ka dib markii Aqoon yahano soomaaliyeed ay u fariisteen Qorista Alif maay-ga  Balse Degaanada Looga Hadlo Dadka Ku dhaqan 95%  ma qori karaan Afka Maay-ga taasoo, Sabab u ah  in degaanadaasi aan si toos ahi  looga Fulinin iskuulo  ama Olole lagu Hormarinayo Luuqda Maay-ga Oo ka mid ah luuqadaha Cushtic  oo looga Hadlo Mandhiqada Geeska Afrika.

Halkan Ka Daawo.


Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here