Wasaaradda Amniga Dowladda Federaalka Oo Faah Faahisay Howlgallo Ka Socda Muqdisho

0
207

Muqdisho(INO)-Wasaaradda Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay howlgal ay ciidamo gaar ah ka wadaan magaalada Muqdisho, kuwaa oo ka mid ah Nabad sugidda Qaranka.

Maxamed-Yuusuf1

Afhayeenka wasaaradaasi Maxamed Yuusuf Cismaan oo u waramay Warbaahinta , ayaa sheegay in ciidamadaan ay baaritaanno ku sameynayaan gaadiidka guud ahaan maraya magaalada Muqdisho.

Uljeedka ugu horeeya ayuu sheegay in ay baarayaan gaadiidka hubka saaran in ay yihiin kuwo si sharci ah loo haysto iyo kuwo kale.

Waxa uu tilmaamay in howlgalkaan inta uu socday ay suurta gashay in la qabto dad ka dambeeyay dilka sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya hadana baaritaan lagu hayo.

Howlgalkaan ayuu sheegay in uu socon doono, loogana golleeyahay in la xaqiijiyo amniga guud ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho waxa ay maalmahaan dambe ka wadaan howlgal balaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka magaalada.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here