Shir Ka Furmaya Nairobi oo Somaliya ka qeyb galeyso

0
225

Muqdisho(INO)-Waxaa maaanta uu shir ka furmayaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kaasi oo looga hadlayo Arimaha Qaarada Africa waxaana ka qeyb galaya xubno kala matalaya Dawlada Soomaaliya.

Ameriko

Shirka ayaa waxa dawlada Soomaaliya umatali doona Safiirka Soomaaliya ujooga Dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko.

Kulanka ayaa waxa ka qeyb galaya Xubno ka kala socda Dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda iyo Burundi waxaana la dhageysan doonaa Codsi ka yimid Dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ay ku doonayaan ku biiritaanka Ururka Bulshaweynta Bariga Africa.

Hore ayey Labadaan Waddan ucodsadeen ku biiritaanka Ururka Bariga Africa maanta oo Jimco ah ayaana laga sugayaa in la aqbalo iyo in loo diido intuba.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here