Muqdisho(INO)-Afahayeenka Xukuumada Soomaaliya Ridwaan Xaaji C/weli ayaa sheegay in Wasaarada Xukuumada Soomaaliyaa loogu baahan yahay iney la yimaadaan qorshayaal cad cad oo Wasaarad walbo ay ku howlgasho.
Waxa uu sheegay in Ra’isal Wasaaraha uu ka dalbaday Wasaarada Cusub ee Xukuumadiisa ay la yimaadaan isbedel iyo waxqabad muuqda isla markaana Dalka ka samata bixin kara dhibaatooyinka iminka ka jira,.
Wasiirada Cusub ee Xukuumada Raysal Wasaare Cumar C/rashiid oo intooda badan xilalka Wasaaradahooda kala wareegay Wasiiradii hore ayaa waxa loogu fadhiyaa iney la yimaadaan isbedel.
Sidoo kale Wasiiradaan Cusub ayaa Shacabka Soomaaliyeed waxay ka filayaan iney noqdaan kuwa Dalka gaarsiiyaan hormar iyo Barwaawo isla markaana ka fogaada in ay ku xad gudbaan Hantida Qaranka.
Idale News Online, Muqdisho.