Daawo:Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Ku Riddey 4 Qof, Midna Siideysey

0
236

Muqdisho(INO)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun ku riddey eedeysanayaal kala duwan oo loo heystey in ay Alshabaab ka tirsanyihiin.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad oo akhriyey xukunka ayaa sida hoose u kala faahfaahiyey.

Eedeysanaha Koowaad

  1. Xasan Cabdi Xuseen Fiidoow , 18 jir ah, Ina Khaali Maxamuud, ku dhashay, islamarkaasina degen Suuqa Xoolaha, Muqdisho ayaa waxaa lagu xukumey xabsi daa’in kadib markii lagu heley dambigii lagu soo oogey oo ahaa in uu Alshabaab ka tirsanaa.
  2. Nuur Shire Siyaad, 29 Jir, Ina Xaliimo Cusmaan, ku dhashay Galgaduud, degen Hodan, waxaa lagu xukumey shan sano oo xabsi ciidan ah, kadib markii lagu heley in uu baabuurta hey’adaha u afduubi jirey Alshabaab.
  3. Ibraahim Maxamed Xayir, 36 jir, Ina Xaliimo Faarax, ku dhashay Baraawe, Degen degmada Hodan, waxaa lagu xukumey shan sano xabsi ciidan ah kadib markii lagu heley dambigii lagu soo eedeeyey oo ahaa in uu afduuban jirey gaadiidka hey’adaha.
  4. Mustaf Maxamed Xuseen, 20 jir ah, Xaawo Muqtaar, ku dhashay Rabdhuure, degen Xudur, Bakool, waxaa lagu xukumey shan sano xabsi ciidan ah, kadib markii uu qirtey in uu Alshabaab ka tirsanyahay
  5. Xasan Maxamed Kaahiye, 54 jir, ina Xaawo Ciise, ku dhashay Cadaado, ku nool Hodan, maxkamadda waa ay siideysey kadib markii lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyey.

Halkan Ka Daawo.


Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here