Turkish Airlines, Ethiopian Airlines & FlyDubai oo ku tartamaya Duulimaadyada Soomaaliya

0
332

Muqdisho (INO) — Suuqa Duulimaadka Hawada dalka Soomaaliya ayaa noqday mid soo jiidanayo Shirkado Diyaaradeed oo Caalami ah, kadib markii dalka Amaankiisa uu noqday mid lagu shaqeyn karo.

Teaser Image Turkish Airlines, Ethiopian Airlines & FlyDubai oo ku tartamaya Duulimaadyada Somalia

Sanadihii lasoo dhaafay, laga soo billaabo 2012 waxaa kusoo biiraya Duulimaadka Soomaaliya Shirkado waaweyn oo Caamali ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo flydubai.

Shirkadda Turkish Airlines ayaa Suuqa Duulimaadka Soomaaliya kusoo biirtay 2012, kadibna samaysay Duulimaadkii ugu horeeyay oo Caalami ah kadib 23 Sano oo dalka uu ku jiray Fowdo & Dagaallo, waxaana Shirkaddo Rajo gelisay Shirkadaha kale ah Ugandan Air iyo Ethiopian Airlines.

Waxaa Hadda kusoo biiray Shiradda flydubai, oo Duulimaad Toos ah Qadka Soomaaliya iyo Europe billowday, waxaana ay samaysay Adeegyo casri ah oo lamid ah kuwa ay bixiso Turkish Ailines.

Saddexdan Shirkadood ayaa meesha ka saaray Dhibaatooyin ah Shacabka ku qabeen Duulimaadka Dibadda, waayo Shirkadihii hore ugu howlgali jirayay dalka ma aysan lahayn Duulimaadyo Dhaadheer, sida Yurub iyo Mareykanka.

Turkish Airlines ayaa Bishii lasoo dhaafay kka dhigtay Duulimaadkeeda Soomaaliya Maalin kasta, halka hore u ahaa Todbaadkiiba Labo Jeer, waxaana Tallaabadan ay timid markii uu Muqdisho yimid Madaxweyne Erdogan.

Daallo iyo Jubba ayaa markii ay arkeen Tartanka adag ee billowday, ayaa sheegay inay midoobeen, iyagoo markii kordhiyay Qadadka Duulimaadkooda oo ay kusoo kordhiyeen Qaaradda Yurub, waxaana ay soo iibsanayaan Diyaarado Cusub oo Casri ah.

“Fursadaha ay heleen Diyaaradaha Cusub ee dalka yimid waa kuwa Suuqa naga saari kara, markaan taasi aragnay ayaan go’aaney inaan Midowno oo Diyaarado Cusub soo iibsano ama kireysano,” ayuu yiri Maxa’ed Yaasiin oo ah Maamulaha Shirkadda Daallo.

Sidoo kale, Saciid Qayliye, oo ah Gudoomiyaha Shirkadda Jubba ayaa sheegay in ay doonayaan inaysan lumin Macaamiishooda, sidaasi darteedna ay keeni doonaan Adeegyo Duulimaad oo ay ku qancaan, maadaama suuqa ay soo galeen Diyaarado Caalami ah.

Magacyada Daallo iyo Jubba ayay sheegeen inay kusii shaqeyn doonaan, balse ay midowgooda ugu dan leeyihiin inay iska kaashadaan sidii ay Suuqa ugu sii jiri lahaayeen.

2014, Daallo iyo Jubba ayaa sameeyay 250,000 (Labo iyo Konton Kun) oo Duulimaad ah, waxayna ka heleen Lacag gaaraysa $75 million, sida ay kuu sheegeen Warsaxaafadeed.

Shirkadda Turkish Airlines ayaa ka heshay Duulimaadka Soomaaliya 2014, Lacag dhan $ 54.7 million ( Kon iyo Afar Milyan iyo Todobo Boqol oo Kun) oo Doolaar.

Idale Mews  Online ,Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here