Xildhibaan C/welii Cali Gaas oo Booliiska Gobalka Bari ku wargelisey inuu Basooso ka baxo

0
210

Sida warar xaquuq ah oo laga soo xigtey saraakiil ku sugan Boosaaso laga helay waxaa goor barqanimadii maanta ah xarunta maamulka gobolka Bari looga yeeray raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo beryahan kulamo odayaal iyo dadka deegaanka kula qaadanayayey gudaha magaalada Boosaaso.

Sida warku nagu soo gaarayo xildhibaan C/weli Gaas iyo xubno la socda ayaa markii looga yeeray xarunta maamulka gobolka Bari ayaa gaaray halkaasi, waxaana xafiiska gudoomiyaha maamulka gobolka ku sugnaa gudoomiyaha gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan, taliyaha booliska ee qeybta gobolka Bari Cismaan Afdolow iyo duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla.

Kulan albaabadu u xirnaayeen ayaa ka dhacay xafiiska gudoomiyaha gobolka Bari, waxaana gudoomiyaha gobolka uu ku wargeliyey xildhibaan C/weli Gaas inuu jiro amar ka soo baxay madaxtooyada Puntland oo lagu farayo in magaalada Boosaaso uuisaga baxo Dr. C/weli Gaas iyo wafdigisa ee beryahanba ku sugnaa Boosaaso isla markaana ay joojiyaan kulamo ay beryahan la lahaayeen bulshada iyo odayaasha.

Ilo wareedka Idale News  la hadlay ayaa sheegaya in Prof C/weli Gaas markii hadalkaasi loo sheegay uu kaga mahadceliyey “farriinta ay soo gaarsiiyeen” wuxuuse ugu jawaabay inuu isagu yahay muwaadin Soomaali ah ahna xildhibaan baarlamaanka dalka ka tirsan, uuna yahay muwaadin u dhashay Puntland oo gudanayo waajib dalka iyo dadka ka saaran.

Kulankan ayaa lagu soo kala kacay mudo toban daqiiqo ah kadib iyadoo aanu jirin wax go’aan ah oo lagu soo kala tagay.

Dr C/weli Gaas ayaa weli ku sugan magaalada Boosaaso oo uu ka degan yahay guri lagu soo dhoweeyay toddobaadkii hore markii uu magaalada Boosaaso gaaray, waxaana wararka nasoo gaaraya ay sheegayaan in isla maanta xildhibaan Gaas uu kulan la yeeshay isimo, haween iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Sanaag oo uu ka mid yahay Garaad C/laahi Cali Ciid kuwaasoo ay ka wada hadleen arimo badan oo la xiriira xaalada deegaanada gobolka Sanaag.

Lama oga sababta ka dambeysa go’aanka ay sheegeen masuuliyiinta maamulka gobolka Bari ee lagu amrayo in Raysul wasaarihii ee Soomaaliya C/weli Gaas looga saarayo Boosaaso ee sida la sheegay ka soo baxay madaxtooyada Puntland inkastoo wararka ay sheegayaan in Dr C/weli Gaas uu qorsheynayo inuu isu sharaxo madaxtinimada Puntland taasna ay ka tuhun qabto dawlada madaxweyne C/raxmaan Faroole..

Wuxuu go’aanka uu yimid xilli maalinimadii Isniinta oo uu Dr C/weli Gaas gaaray Boosaaso dad aad u fara badan oo soo dhoweyn lahaa iyo wariyaal laga horistaagay inay ka gudbaan kontoroolka magaalada Boosaaso iyadoo wafdiga C/weli Gaas looga hortagi lahaa deegaanka Faluuja oo u dhexeeya Boosaaso iyo Carmo.

Masuuliyiinta maamulka gobolka Bari iyo taliska boolisuba kama hadlin arintan illaa hadda.

Idale News Boasaaso