Cabdiweli Sheekh Axmed “Dalkeena Is Khilaaf Iyo Dano Shaqsi Ah Ayuu u Bur Buray”

0
229

Muqdisho(INO)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cabdiweli Sheekh Axmed oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Warbaahinta , gaar ahaan barnaamijka Qof Ka Qof ayuu kaga hadlay arimo badan oo dalka ka jira iyo wax qabadka xukuumadii uu hogaaminayay.

Cabdi weli

Waxa uu shegay ugu horeen in xukuumadiisa ay qabatay shaqooyin muhiim ah ayna dalka soo gaarsiisay heerka maanta uu joogo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in mudadii dalka uu Ra’iisul wasaare ka ahaa u suurta gashay arimo ay ka mid yihiin la dagaalanka Al-shabaab, amaanka magaalada Muqdisho, dhismaha maamulada iyo arimo kale.

Waxa uu carabka ku dhuftay Cabdiweli Sheekh Axmed in dalka waxyaabaha uu u bur buray ka mid tahayiIs khilaaf, dano shaqsiyadeed iyo sidoo kale in danta gaarka ah la hormarinayo bedalkii danta guud loo kici lahaa sidii loo hormarin lahaa.

“Danta Qaranka Markii la helo ayaa danta shaqsiga la helayaa, laakiin beryahaan dadka Soomaalida waxa ay hormarinayeen danta shaqsiga ah, beero kama sameysan kartid Shabeellaha Hoose hadii aadan nabad galyadii iyo jidadkii iyo daryeelka dadka hadaanu jirin, marka waa in danta guud laga shaqeeyo,waxaad moodaa hadda in fahamkaan uu soo badanayay, waayo dalkeena Is khilaaf iyo Dano shaqsi ah ayuu u bur buray, marka ilaa dadku ogaado danaha guud in ay ka horeysiiyaan kuwa gaarka ah waxba nooma soconayaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaare hore Cabdiweli Sheekh Axmed.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayeeynu wax ka weydiinay arimaha ku aadan khilaafka madaxda dowladda, gaar ahaan madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha iyo hadii ay jiraan gacmo Seddaxaad oo wax ka abaabula khilaafyada noocyadaasi oo kale.

“Aniga cid aan gaar ahaan farta ku friiqayo malahan, tuhunka waa iska badan yahay Soomaalida waxbey iska tuhuntaa, aduunka oo dhan waxbaa la’iska tuhmaa, laakiin waxay ila tahay inay jiraan mar walba dad u dhaxeeyay oo runtii qaska wax ka wada iyo dad badan oo laga yaabo u arka in dano ay ku helayaan is bedalka xukuumadaha is bedalaya oo qaar badan ay leeyihiin wasiir baad heli doontaan, qaar kalena ay leeyihiin xilalka ayaad helaysaan, marka kama marna gacmo kale, xafiisyada kaliya eeda lama saari karo laakiin xafiisyada ayaa howsha leh, iyaga ayaa la rabaa in ay ka madax banaanaadaan arintaasi oo howshooda daacad u noqdaan oo dalka ka nabad geliyaan jahawareer iyo degaansho siyaasadeed in aanay soo noq noqon” ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdiweli Sheekh Axmed.

Waxaa jiray mooshin laga keenay Cabdiweli Sheekh Axmed xilligii uu ra’iisu wasaare ahaa, isaga oo ku adkeystay in uu xafiiska sii joogo iyadoo muddo badan doodi ay ka taagneed, sidaas darteed waxa aynu Cabdiweli su’aalnay sababtay taasi ka dambeysay iyo hadii ay jireen dad kale oo kalsooni buuxda uu ka qabay.

“Waxaan aaminsanaa in aysan dalka u wanaagsaneen mooshinadaasi iyo deganaansho la’aanta siyaasadeed, marka runtii inaan ku adekeysto aniga iyo saaxiibo badan xildhibaano, wasiiro iyo dad badan oo siyaasiin ah waxa ay la xiriirtay aragtida aan qabnay oo ah in aanay waxaasi dan u ahayn dalka iyo umadda, waana dhici kartaa dad badan oo markii naga fikrad duwanaa markii dambe in ay gareysteen oo ay noo garaabeen oo ay na dhaheen waad naga qumaneedeyn, marka midaasi ayeey ku saabsaneyd adkeysigii aynu adkeysaneynay illaa iyo hadana weyno qabnaa, waan qabaa aniga in sidii fiicneyd aan yeelnay, sidii ay ku dhamaatay marki dambena aan aqbalnay gar iyo gardaraba, Soomaalida waxay tiraahdaa madax meel ka sareysa oo la salaaxo malahan, baarlamaanka aanu dhisanay wixii uu go’aamiyay waa in loo hogaansamaa” ayuu yiri Cabdiweli Sheekh Axmed oo ah ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.

Ugu Dambey waxa uu sheegay Cabdiweli Sheekh Axmed in aanu dalka ka baxayn oo uu joogi doono, isaga oo tilmaamay in uu shacabka kula joogi doono sida isaga oo shacab ah, howsha dalkana ay weli taagan tahay oo xil weyn ka saaran tahay wax ka qabashada Soomaaliya.

Idale News Online, Muqdisho,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here