Daawo: Rag lagu sheegay inay Fuliyeen dilkii shaqaalaha garoonka Aadan Cade oo la qabtay

0
282

Muqdisho(INO)-Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa waxa ay Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay rag la sheegay inay ka dambeeyeen dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Al shabab

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble, ayaa u sheegay Saxaafadda in ciidamada ay ku guuleysteen inay soo qabtaan saddex ruux oo mid uu dhaawac yahay,halka labadana kale ay bad-qabaan.
Raggan ayaa waxaa laga soo qabtay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, xilli halkaasi lagu daweynaayay nin ka mid ahaa kuwii falka geystay oo dhaawac ahaan Isbitaalka loo geeyay.
Qaasim Axmed Rooble, ayaa tilmaamay in raggaasi ay qayb ka ahaayeen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, oo ka dambeeyay weerarkii maalinimada Isniinta ka dhacay Isgoyska KM4, laguna dilay Saraakiishii Waaxda Socdaalka ka tirsanaa.

Halkan Ka Daawo.

Raggan oo sadex ah iyo gaari ay wateen ayaa waxaa la geeyay xarunta Dambi Baarista ee CID halkaasi oo Booliiska ay ku baarayaan.
Shalay ayeey aheyd markii magaalada Muqdisho lagu dilay Sarkaal lagu magacaabi jiray Bashiir Yare, kaasi oo lagu dilay Isgoyska Carwo Itko ee Magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here