Daawo:Wasiirka Cusub ee Wasaarada Gaashaandhiga oo Xilkiisa La Wareegey

0
228

Muqdisho(INO)-Wasiirka Cusub ee Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xilkii kala wareegay Wasiirkii hore ee ee Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, kadib Munaasabad Maanta ka dhacday Xarunta wasaarada ay ku leedahay Magaalada Muqdisho. 

Munaasabada Xil Wareejinta ataa waxa ka soo qeyb galay Taliska guud ee Ciidanka Xogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka socotay dalalka dhanka difaaca ka taageera dowladda Soomaaliya, Xildhibaano iyo Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumada Soomaaliya.


Ugu horeyn waxa Munaasabada ka hadlay Taliyaha Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliya, S/G/ Daahir Aaden Cilmi “Indho qarshe” ayaa xusay in wasiirkii hore difaaca Maxamed Sheekh Xasan Xaamud wax badan in uu qabtay mudadii uu xafiiska joogay.

Halkan Ka Daawo.

 


Waxa uu ugu mahad celiyay shaqadii ay soo wada qabteen, wuxuuna soo dhaweeyay Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhiga lo Magacaabay C/qaadir Sheekh Cali Diini.


Sidoo kale waxa Munaasabada ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud waxa uuna sheegay in uu  qalbi furan kusoo dhawaynayo wasiirka cusub 


Sidoo kale waxa uu ballan ku qaaday in uusan  waxba ka hagran doonin wasiirka cusub si howshu horey ugu socoto, sidoo kale wuxuu mahad celin u jeediyay laamaha kala duwan ee Taliska XDS.


Ugu dambeyn waxa Munaasabada ka hadlay Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhiga C/qaadir Sheekh Cali Diini waxa uuna ugu horeyn u mahad celiyay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi.


Wasiirka Cusub ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono dib u dhiska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo sidii ay u noqon lahaayeen Ciidan isku dhaf ah oo isku dheela tiran.


 “Waxqabadkaasi aad nooga waranteen dalkiina ayaad u shaqayseen ee Ilaahay ha idinka abaal mariyo, anaguna waxaanu ilaahay ka baryaynaa inaanu wax ku darno mooyaane’e inaanay halkan ay maanta joogto ka soo siibanin” ayuu yiri Wasiir Diini oo dhinaca kale  tilmaamay in muddada ay xafiiska hayo  hufnaan ku maamuli doonaan.

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Gaashaandhiga General C/qaadir Sheekh Cali Diini aya horay xilal kala duwan ugu soo qabtay Dowladihii KMG ee Dalka Soo maray, waxa uuna horay usoo noqday Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Xilligii Dowladii Madaxweyne Sheekh Shariif.

Idale News Online, Muqdisho.