Wefdigii KG Soomaaliya Oo Gaarey Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya

0
202

Nairobi(INO)-Wararka aanu ka heleeyno Magaalada Nairobi Ee Caasimada Wadanka Kenya ayaa ku waramaya in halkaasi uu gaaray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Shariif

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo kasoo Anba baxay Dalka Ethopia ayaa garoonka diyaaradaha Ee Jomo Kenyatta Ee Dalka Kenya ku soo dhoweeyay Masuuliyeen ka socota Dowlada Kenya.

Wararka ay heleeyso Shabakada Idale News Online  ayaa sheegaya in Madaxweyne Shariif Xasan uu kulamo halkaasi kula qaadan doono Madaxda dalka Kenya iyaga oo ka wada hadli doono Arimo ku saabsan taageero ay dowlada Kenya ee sugida amniga Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Ee Soomaaliya .

Madaxweyne Shariif Xasan Sheikh  ayaa socdaalo ku saabsan taageero dhanka sugida Amniga Ee Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya  waxa uu ku marayaa qaar kamid ah wadamada dariska ah isga oo sidoo kale lagu wado in uu usii gudbo wadamo kale oo dhaca qaaratan Afrika.

Idale News Online, Nairobi, Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here