Duufaanta Sandy Hurricane oo marar badan oo hore Dalka Maraykanka ku dhufatay Sanado kala duwan ayaa Sanadkaan waxaa ay la timid khasaare aad u fara badan ka dib markii ay xalay ku dhufatay Gobolada Xeebaha Bari ee Dalkaasi.
Ugu Yaraan 16 ruux ayaa ku nafwaayay, waxaana bur buriyay basas iyo tareeno aad u fara badan, waxaana xalay mugdi ahayd Magaalada New York oo ay ku soo dhaceen Hirir illaa 4 mitir kor u dheer.
Madaxa Gaadiidka iyo Tareenada Magaalada New York ayaa sheegay in bur burka iyo khasaaraha soo gaaray Basaska iyo Tareeanada uu yahay kii ugu xumaa ee abid ka dhasha Duufaanta Hurricane Sandy.
Idale News Washington.