Xawaaladaha Mareykanka oo Howshoodu joogsan doonto Maalinta Khamiista

0
244

MN(INO) — Iyadoo dhawaan uu joojiyay xiriirkii xawiladdaha Soomaalida kala dhexeeyay Bangigii ugu dambeeyay ee lacgaha lasii marin jiray ayaa la isku dayay inay howlahooda dib u billaabaan xawaaladuhu, iyadoo ay arrrintan ka shaqeeyeen arrintaa madaxda Mareykanka qaar ka mid ah sida xildhiban Keith Allison iyo rag kale ayaa wax nadiijo ah laga gaari waayay.

xawaalad

Hadaba shir ay isagu yimadeen habeenkii xalay ururka ay ku midaysan yihiin xawalaadaha Soomaaliyeed ee SAMSA ayay go’aan ku gareen inay gabi ahaanba hawlaha lacag diriddu ku ekaan doonto maalinta Khamiista bishan Feberaayo ay ku beegan tahay 20-ka, waxaana arrintaan HOL u xaqiijiayay Saciid Macalim oo ka mid ah madaxda ururka SAMSA kana mid ah xawilaadlayaasha Minnesota.

Sidoo kale, Siciid wuxuu intaas ku daray in gabi ahaan ay xawaaladuhu ka is-taagi doonaan dalka Mareykanka oo dhan; wixii maalintaas ka dambeeya aanay jirin lacag la diri doono.

Dhanka kale, waxaa socda dadaalladii lagu doonaayay sidii loosoo af-meeri lahaa xayiraaddan oo soo socatay labadii sano ee ugu dambeeyay, iyadoo loosoo qaadan karo tusaale, in laba sano ka hor uu joojiyay xiriirkii uu la lahaa Xawaaladaha bangigii ugu dambeeyay ee lacagta ay sii marin jireen xawaaladaha kasoo ahaa Sunset Bank.

Xawaaladaha ayaa markaas kaddib waxay lacagaha marin jireen Bangi ku yaalla gobolka California, isagiina toddobaadkan ayuu joojiyay gabi ahaan xiriirkii uu la lahaa xawaaladaha Soomaalida.

Hadaba ururka xawilaadaha ay ku mideysan yihiin waxay dadwaynaha ku dhaqan Maraykanka ee Somali-American-ka ah waxay ugu baaqayaan inay madaxdii ay doorteen la xiriiraan ayna ka codsadaan inay wax ka qabtaan arintaan oo sabibi karta xaalad bina’aadinimo inay sababto haddii dhaqaale uu gaari waayo dadka gudaha ku nool.

Idale News Online, Mn

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here