XOG:Al shabaab oo Xabsiga dhigtay ku xigeenkii Sirdoonkeeda

0
259

Jilib (INO) — Kooxda Al shabaab ayaa Xabsiga dhigtay ku dhawaad 20 Dagaalyahano, oo uu ku jiro ku xigeenkii Sirdoonkeeda, kadib markii ay uga shakisay inay hageen Duqeymo Diyaaradeed.

Teaser Image Al shabaab oo Xabsiga dhigtay ku xigeenkii Sirdoonkeeda - Xog

Gorjooge Magaciisa lagu soo koobay Faarax & Afar kale ayaa lagu xiray Magaalooyin kala duwan oo ku yaalla Jubbada Dhexe & Shabeellaha Hoose, waxaana lala xariiriyay Ragaasi Dilkii Drones-ka Mareykanka u geesteen C/naasir (Shaakir) oo ahaa Madaxa Amniyaatka.

Wadaad kale oo Imaamka lagu magacaabo ayay sidoo kale Al shabaab xireen Maalmihii lasoo dhaafay, waxaan Kooxd ay shaki weyn ka qabtaa in Xubno sare oo iyada kamid ah inay fududeynayaan Duqeymaha lagu qaarijinayo Hogaamiyeesheeda.

Wax War ah Al shabaab kama aysan soo saarin Xariga Ku xigeenka qeybta Sirdoonkeeda, oo hadda lagu xiray Meel aan la shaacin oo Jubbada Dhexe ku taalla.

Duqeymo isdabajoog ahaa oo dhawaan ka kala dhacay Diinsoor oo Gobolka Bay ah, Deegaanka Dugulle oo Shabeellaha Hoose ah, Baardheere oo Gedo ah & Degmada Jilib kuwaasi oo Dadka lagu dilay uu kamid ahaa Madaxii Sirdoonka C/naasir Shaakir.

Idale News  Online – Jilib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here