Taliyaha Booliska Ee Gobolka Bay Oo Sheegey War Naxdin Leh

0
223

Baydhabo(INO)-Taliska ciidamada booliiska ee magaalada Baydhaba ayaa sheegay in dilalka ka dhaca magaaladaasi ay ka dambeeyaan ganacsatada iyo sidoo kale macalimiinta wax ka dhiga Iskuulada iyo dugsiyada Qur’aanka lagu barto.

Mahad

Korneel Mahad Cabdiraxmaan oo ah taliyaha Booliiska gobalka Bay  sheegay warbaahinta  in ay jiraan ganacsato iyo macalimiin tababar Al-shabaab ay kusoo siiyeen degmada Diinsoor, islamarkaana ay ogyihiin cid walba oo tababarkaasi aaday.

“Nimankii ganacsatada ahaa nooc walba ha noqdeen, iyo nimankii Iskuulada dhigaayay, kuwii Dugsiyada Qur’aanka dhigaayay ayaa dhacday in Al-shabaab Siminaar uga furay magaalada Diinsoor, oo qeyb qeyb ugu yeerayo oo ay aadayaan, markii ay soo dhameystaan oo dib ugu soo laabanayaan Baydhaba iyaga oo Al-shabaab amarkooda wata, iskana dhigaya dad shacab ah, anaguna u aqoonsanay dad Al-qaaciddda ah oo Al-shabaab ayaa ka dambeeyay falalka ka dhacay Baydhaba, anaga baaq kama dambeysa ah ayaan u jeedinaynaa, waxaan leenahay kii Baydhaba ka taga oo ragaasi aada hasoo laaban, hadii kale waxaa lagugu qaadayaa sharciga ka yaalla Al-shabaab” ayuu yiri Korneel Mahad.

Dhinaca kale taliyaha ayaa soo hadal qaaday howlgallo uu sheegay in ay ka sameeyeen magaalada Baydhaba, islamarkaana kusoo qabteen dad uu tilmaamay in ay ka dambeeyaan dilalkii dhawaan ka dhacay magaaladaasi, sida culimadii lagu dilay Baydhaba.

Magaalada Baydhaba amaan ahaan aad ayeey usoo xumaanaysay, waxaana magaalada kusoo badanayay dilalka qorsheesan iyo falalka kale ee amni xumida.

Idale News Online, Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here