Muqdisho(INO)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in xukuumadiisa cusub ay ka go’an tahay sidii dalka loo gaarsiin lahaa hiigsiga 2016, iyo in dalka doorasho ay ka dhacdo.
Ra’iisul wasaaraha oo u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA isaga oo ku sugan wadanka Canada ayuu sheegay hadii aanu imaan caqabad dowladda dhexdeeda ah in ay hiigsiga gaari doonaan.
“Hadda wax kale oo miiska noo saaran malahan, 2016 dalka waa in aynu gaarsiinnaa doorasho, waxay ila tahay hadii caqabad aanu ka imaan dhexdeena in aynu hiigsigaasi gaari karno” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in xubnaha wasiirada ah ee qaarkood xilalka la wareegay uu ka rajeynayo in dalka meesha hadda uu joogo ay ka qaadaan islamarkaana ay gaarsiiyaan hiigsiga 2016.
Xukuumadda uu hogaaminaayo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid waxaa horyaalla shaqooyin badan, iyadoo looga fadhiyo in dalka ay gaarsiiyaan doorasho xur ah sanadka 2016.
Idale News Online, Muqdisho.