Dhageyso: Ex. Wasiirkii Xanaanada Xoolaha Ee DFS Oo Ka Hadley Xoolo Saaka Laga Dhoofey Muqdisho

0
1101

Muqdisho(INO)-Dekeda weyn ee Muqdisho goor dhaw waxaa ka furtay markab weyn oo qaaday Boqolaal Xoolo nool ah, kuwaas oo ka tagay Soomaaliya, kuna sii jeeda Dalka Cumaan, waxaana ay noqonaysaa markii uhoreysya dhawaanahana oo ay dekeda Muqdisho ka dhoofayaan xoolaha nool, xiliga oo aan aheyn xiliga Carafada.

saalim caliyow

Soomaaliya oo ah wadan xoolaha ku tiirsan, ayaa si weyn looga soo dhaweynayaa talaabadan, waxaana ka hor intii aysan Xoolahan ka bixin dekeda Muqdisho ayaa la hubiyey caafimaadkooda, waxaana jooga Dhakhaatiir badan oo ka shaqeeya Caafimaadka Xoolaha.

Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Saalim Caliyow Ibrow oo ka hadlay gudaha dekeda Muqdisho ayaa bogaadiyey talaabadan, wuxuuna sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay arkaan xoolihii Soomaaliya oo suuq helay una dhoofaya Wadamada Carabta.

Wasiirka cusub ee wasaaraddan la wareegay Saciid Xuseen Ciid oo horay usoo noqday Gudoomiyaha rugta Ganacsiga Puntland ayaa ka hadlay munaasabadan, wuxuuna bogaadiyey Wax dhoofinta xoolaha, isagoo balan qaaday in uu dadaalkiisa oo dhan gali doono in la helo Suuq loo iibgeeyo xoolaha Nool ee Soomaaliya.

Wasiirka cusub ayaa sidaas oo kale balan qaaday in ay wadamdaa Xooluhu tagayaan ay ka dhaadhicin doonaan in Xoolaha Soomaaliya aysan waxba cudur ah laheyn oo ay Caafimaad qabaan, isla markaasna neef kasta la marinayo Sheybaarada Caafimaadka.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here