Baydhabo(INO)-Magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay waxaa laga dareemayaa isbedal xoogan oo dhan bilicda ah, iyadoo dib u dhis uu magaalada ka socdo.
Wariye Aadan Geeseey ayaa soo sheegaya in guud ahaan magaaladaasi ay kusoo badanayaan dhismayaasha daaraha qurxoon iyo sidoo kale iftiinka xilliga habeenkii ah.
Magaalada oo dhan waxaa lagu xiray nalalka ku shaqeeya cad ceeda kuwaa oo xilliga habeenkii ah sare u qaaday bilicda Baydhaba.
Dhanka wadooyinka weli ma aanay helin wax dhisme ah, waxaana laga dareemayaa bur bur baahsan, halka taasi bedelkeeda ay dhismayaan daaraha magaaladaasi.
Ganacsiga Baydhaba ayaa sidoo kale ah mid badi shaqeeya maalintii iyadoo habeenkii aanu ganacsi badan jirin, sida ay sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada.
Hormarka laga dareemayo Baydhaba waxaa kaliya ka maqan ganacsi Habeen shaqeeya iyo sidoo kale amaanka magaaladaasi oo wax badan ay ka dhiman yihiin.
“Nalalka naloo suray waxaa ka horeeya in amaankeena wax laga qabto, hadii amaanka la sugu waxaan hubnaa in aynu shaqeysan karno xilli walba” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah ganacsatada Baydhaba.
Halkan Hoose ka dhageyso Warbixinta Wariye Aadan Geesey.
Idale News Online, Baydhabo.