Washington(INO)-Boqolaal Muslimiinta dalka Mareykanka ah ayaa ku hor tukaday salaadii Jimcaha, aqalka cad ee looga taliyo dalka Mareykanka.
Muslimiintaan ayaa u baroor diiqayay Sedaxdii qof ee qoyska wada ahaa oo lagu dilay North Coroline, dilkaasi oo dhaliyay caro iyo eedeymo loo jeediyay Madaxda Mareykanka
Ciidamada amaanka ee qaabilsan aqalka cad ayaa goobta soo buuxiyay si ay u sugaan amaanka, waxaana halkaasi ka khudbeeyay Imaamkii Salaada jimca tujiyay, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha Mareykanka in uu u istaago sidii caddaalada loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyay falkaasi waxaashnimada ah.