Muqdisho(INO)-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ahna ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka China u fadhiya Magaalada Muqdisho.
Ku simaha RW Mudane Maxamed Cumar Carte iyo Safiirka dalka China u fadhiya Soomaaliya ayaa waxa ay kawada hadleen Adkaynata xiriirka ka dhexeeya labada dal ee soo jiray in ka badan 50 sano.
Waxay sidoo kale ka hadleen Ka qayb qaadashada dib u dhiska dalka, gaar ahaan dayactir lagu samaynayo Xarumihii China ay horey uga dhistay dalka.
Safiirka dalka China u fadhiya Soomaaliya ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka In dowlada Soomaaliya diyaariso baahiyaheeda, si gudi Dowladda China u soo dirayso dhawaan ay qiimayn ugu sameeyaan.
China ayaa ka mid ah dalalka taageera Soomaaliya, sidoo kalena caawimaad kala duwan siiya waaxyaha Dowladda Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho.