Jigjiga(INO)-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wefdigiisa ee ku sugan xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Ee Jigjiga, ayaa waxa loo sameeyey casho sharaf Heer sare ah isla markaana Raxan Geel ah uu ku lisey Goobtaasi, Sidoo kalena Halkaasina uu ku dhaanteeyey.
Casho Sharaftan oo dad badani ay soo xasuusisey waayo waayo isla markaana Loo qabtey Wefdiga Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaiya ayaa soojeedatey indhaha Shacabka Soomaaliyeed ee Daawadey Muuqaalkaan Quruxda Badan.
Madaxweynaha Dowlda Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Go shaal ah huwey Madaxweyanaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan taasoo sida la sheegey dowlada itoobiya ay go’antahay Geeda Socodka Nabada Soomaaliya iyo weliba isku keenida Dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha KG Soomaaliya, ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta iyo casho Sharaftan loo sameeyey isagoona Ka Codsadey DDSI in Ay kala Shaqeeyso Dhanka Amaanka iyo dib u dhiska Hay’adaha kala Gedisan ee Maamulka KG Soomaaliya.