Dalka Sacuudiga oo ku talo jirta dhismo Masjid oo markiiba 1.6 Milyan qof ay ku tukan karaan

0
203

Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ku taameysa iney dhisto Masjid markiiba ay ku tukan karaan 1.6 Milyan oo qof.

Sida lagu qorey wargeys ka soo baxa dalka Sacuudiga Boqortooyada dalkaasi ayaa ku talo jirto dhismo masaajid oo aad u baaxad wey, kaasoo bedel u noqon doona goobo hore oo taariikhi ah oo dalkaasi ka yaala.

Dowladda Sacuudiga si ay masjidkaan u dhisto waxa suurtagal ah in ay dumiso ilaa seddex masjid oo qadiim ah oo ku yaala magaalada barakeysan ee Makka Al Mukarama, kuwaasoo ku yaala meesha la doonaayo in masaajidkaas weyn laga dhiso.

Masjidkaan ayaa la sheegayaa iney ku bixi doonto lacag malaayiin doolarka Mareykanka ah, hase ahaatee noqon doona masjidka ugu weyn dunida, waxaase laga yaabaa in culimada iyo dadka muslimiinta ee taariikhda aruuriya ay ka hor yimaadaan qorshaha dhismaha masjidkaan cusub oo suurtogalin kara in loo dumiyo xarumo iyo masaajidyo  taariikhi ah oo taariikhda islaamka ku xeeran.

Dhanka kale, dowladda sacuudiga ayaa sheegtey in  aysan ku talo jirin burburinta 3da masaajid ee qadiimiga ah kuwaasoo jirey ilaa qarnigii 7aad isla markaasna ay hirgelisey boqortooyadii Cismaaniyiinta ee xiligaas jirtey, hase ahaatee ay damacsan tahay in ay dhisto masjidka ugu baaxada weyn dunida muslimka