Daawo:Wasiirka cusub ee Wasaarada Amniga oo maanta xilkaasi la wareegay

0
277
Muqdisho(INO)-Wasiirka cusub ee Wasaarada Amniga gudaha C/risaaq Maxamed Cumar, ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah ula wareegay xilkii Wasaaradaasi oo uu kala wareegay Wasiirkii hore ee amniga Khaliif Ereg.

Munaasabad ka dhacday Xarunta Wasaarada Amniga ku shaqeyso ayaa lagu qabtay xaflada xilwareejinta, iyadoo Wasiir Ereg uu madasha ka sheegay inay wax badan u qabsoomeen mudadii uu xilka haayay.
Ereg, ayaa uga mahadceliyay Shaqaalaha Wasaarada amniga sida wanaagsan ee ay usoo wada shaqeeyeen, wuxuuna ku booriyay inay si hufan ula shaqeeyaan Wasiirka cusub ee Wasaaradaasi.
Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar ayaa u mahad celiyay wasiirkii hore, isagoo tilmaamay inay horay u sii wadi doonaan shaqooyinkii socday, ayadoo loo howl gali doono sidii loo horumarin lahaa ammaanka muwaadininta Soomaaliyeed.
 R/wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa dhawaan sameeyay guddi ka kooban dhow wasaaradood iyo xafiiska hanti dhowraha qaranka, si ay u fududeeyaan goob joogna uga noqdaan xil wareejinta wasiiradii xukuumaddii hore.Img DescriptionImg Description

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here