Baydhabo(INO)-Kooxda Al-shabab ee soomaaliya ka dagaalanta ayaa bilowdey tab iyo xiilado cusub oo ay ku leeynayso culumada soomaaliyeed ee sugan magaalada Baydhabo ee xaruta Gobolka Bay, Ka dib markii looga adkaadey dhanka Adeegsiga rag kuwaasoo tiro badan oo amniyaadka alshabab ka tirsan la dhigey, Xabsiga weyn ee magaalada Baydhabo.
Habada Al-shaabab waxay bilowdey taatiko weyn isla markaana ay weerarsan yihiin ama ka qarsoon , laamaha amaanka ee magaalada Baydhabo janaay kuwaaso weli ay garan la’an yihiin falalkan dilalka qorsheynsan ah ee soo noqnoqonaayo iyagoona waqti badan ku bixiyo raadinta kooxda Amniyaadka Al-shabab ee ku dhuumaaleysanayo Xaafadaha Magaaaladaasi gaar ahaan Xaafadda Bukriyey, taasoo xilliyada habeenada ah Kooxda Al-shabab ay iskuga warqaataan.
Kooxda Alshabab ayaa bilowdey inay adeegsato Xaasaska ka Joogo magaalada Baydhabo kuwasoo tababaro iyo xeeladdaha fulinta dilalka qursheysan si qarsoodi ah loo soo barey, isla markaana todobaadkiiba marka ay aadan degaanada Idaale iyo Xarunta Lagu tababaro ciidamada Mutafajiraadka Al-shabab oo ku yaalo Dhulka Dooy ee halka Loo yaqaano Harar iyo weliba inta u dhexeyso Buuraha Dhuur iyo dhalan ee Gobolka Bay.
Waxaa soo baxayo Xog iyo falanqeyn ku aadan Cida fulisa dilalak Culimada magaalada Baydhabo isla markaana Guuxa dad weynaha magaalada Baydhabo ayaa u badan in Xaasaska Kooxda mayalka Adag ee soomaalida Al-shabab ee ku sugan magaalada Baydhabo, ay si Qarsoodi ah u fulinayaan dilalkaasi.
Sikastaba ha ahaatee Sheekh Aadan Macalin Cabdullaah , waxa uu kamid aha Cululumaa’udiinka sida weyn looga yaqaanay Magaalada Baydhabo , waxa uuna wadaadkan uu ahaa Imaamka Masaajid weyn oo kuyaala Magaalada Baydhabo.
Ugu Dambeyntii Wadaadkan xalay lagu dilay Magaalada Baydhabo ayaa noqonaya kii sadaxaad oo ay dilaan Xaasaska Kooxda Al-shabab ee maalmo gudahood , waxaana horey Magaaladaasi loogu dilay Culumaa’udiinka kala ah Sheekh Shariif Siid Cali, iyo Sheekh Soor-madaare.
Idale News Online, Baydhabo.