Maanta Oo Ku Beegan Sanad Guuradii 41-aad Markii Soomaaliya Ay Ku Biirtay Jaamacadda Carabta

0
317

Muqdisho(INO)-Jaamacadda Carabta oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 22-dal,  Waxaa la Aasaasay 22-kii Marso 1945-tii, xarurteedu waa magaalada Qaahira ee Dalka Masar, dowladaha Xubinta ka ah waa 23 dowladood, luqadda Rasmiga waa Arabic.

jaamacadda carabta

Dowladihii joogay Shirkii ka dhacay” Alexandria” ee lagu dhisay Jaamacadda Carabta waxaa ay ahaayeen  Masar, Ciraq, Lebanon, Syria, Saudi Arabia iyo Jordan.

Suudaanka Koofureed waa dalkii ugu dambeeyay eek u biira Jaamacadda Carabta June 2011.

Hay’adaheeda waxaa ka mid ah:

Midowga Idacadaha Carbeed, Ururka tarbiyadda, Thaqaafada iyo Culuumta iyo Accamiyadda Carbeed ee Culuumta iyo Tiknoolojiayadda iyo Badaha iyo Machadka Jaamacadda Carabta iyo ururo kale.

Waxaa jiro baarlamaannada Jaamacada Carabta oo  Sadexdii biloodba mar lagu qabto shirkiisa magaalada Qaahira, Soomaaliya Baarlamaankaas xubin ay sidoo kale k tahay, iyadoo looga hadlo dhibaatooyinka ka taagan dunida Carabta oo Soomaaliyana ay ka mid tahay.

Soomaaliya waxaa ay ururka Jaamacadda Carabta ku biirtay 14 February 1974-tii, iyadoo noqotay wadamada lacagaha ku bixiya ururkaas.

February 14, 1974, Soomaaliya ayaa ka mid noqotay Jaamacadda Carabta 14 sano kadib xuriyadeeda, lamana  oga sababta saxda ee Soomaaliya ugu biirtay Carabta iyo xitaa sababta ay 14 sano u sugtay xuriyaddii kadib.

Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, Jaamacadda Carbta waxay daawadeen dhibaatada dalka, marka laga reebo dadaalo hay’ado yar yar iyo shakhsiyaad ka tirsan dowladaha Carabta ah.

Dagaaladii Sokeeye waxaa ku dhintay dad aad u tiro badan halka ay ku barakaceen in 3.3 millions, Carabta marka laga reebo Yemen xitaa wax soo dhaweyn ah uma sameyn dadkaas.

Jaamacadda Carabta waxaa ku jira dowlado awood dhaqaale leh sida Saudi Arabia, Qatar, Imaaraadka, Kuwait, Iraq, Algeria, Libya iyo qaar saameyn kale ku lahaa dalkan sida Masar, Yemen ama Suudaan.

Dalka Masar ayaa si iskeed ah Kooxaha Soomaalida shir ugu qabatay 1997-dii, Waxaa kaloo jirtay in Yemen ay dhex dhexaadisay Shakhsiyaad Soomaaliyeed sanadihii dagaalada Sokeeye.

Hadaba Soomaaliya, Maxay ka faa’iday Jaamacadda Carabta ka mid ahaashiyaheeda?

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here