Sanca(INO)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa sheegay in dalka Yemen uu qarka u saaran yahay bur-bur iyo kala daadasho. Xaaladda dalka Yemen ayaa si deg-deg ah isu bedeshey kadib markii Malayshiyada Shiiciada ah ee Xuuthiyiintu ay Xukuumaddii dalkaas beddeleen.
Ban Ki-moon oo la ahdlaayey golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa yiri:
-Hal arrin waa in ay cadaato, yemen waxay qarka u saaran tahay burbur, ma ahan in aan gacmaha ka laabano oo daawano.
Xaaladda dalka Yemen ayaa noqotey mid ka duwan sidii hore tan iyo markii Xuuthiyiintu awood is bideen, Waxaana Yemen eersatey kacdoonkii 2011, taas oo lagu khasbey Cali Cabdalla Saalax in uu is casilo.
Ururka al-Qaacida ee Yemen ayaa horumar weyn ka sameeyey Koonfurta Yemen, mana jirto wax ay u dhintey weerarka diyaaradaha dhulka laga hago ee Drons-ka, waxaana la aaminsan yahay in ay taageero ka heli doonaan qabaa’ilka Sunniyiinta ah ee ah ee aan dooneyn in Shiicada laga badan yahay dalka ka taliyaan. Dalalka reer galbeedka ayaa safaaradihii ay ku lahaayeen dalkaas xirey dadkoodina kala soo baxay.
Idale News Online, Sanca.