Afhayeenka Barlamaanka: “La Xisaabtan Joogto ah ayaa dhex mari doonta Barlamaanka iyo Xukuumada “

0
229

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa saxaafada u sheegay in dowlada cusub ee la soo dhisaayo ay la xisaabtami doonaan, wuxuuna intaas ku daray in la xisaaban joogto ah jiri doonaan oo barlamaanka iyo xukuumada Sadexdii bilood ay hal mar la xisaabtami doonaan  Wasaaradaha dowladda.

Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya, Jawaari ayaa sheegay in baarlamaanka Cusub uu hubin doono waxqabadka wasaaradaha dowladda, iyadoo la eegaayo waxa wasaaradaha u qabsoomay iyo waxa aan qabsoomin, isagoo sheegay in sharciyo hoosaadka  u yaal baarlamaanka ay ku xusan yihiin shaqooyinka baarlamaanka ee ku aadan la xisaabtanka wasaaradaha dowlada.

Shacabka soomaaliyeed ayuu ka codsaday Jawaari in ay  ku kalsoonaadaan baarlamaanka cusub , maadaama ay shacabka ay masuul ka yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, la xisaabtanka Wasaaradaha dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid muhiimadeeda leh, waxaana marar badan dowlidihii wadanka soo maray ay marar badan ka dhawaajiyeen in ay la xisaabtamayaan Wasaaradaha dowlada , hase ahaatee aan waxba ka qabsoomin.

Baarlamaanka Cusub ayaa looga fadhiyaa in ay saxaan waxyaalo badan, maadaama ay u badan yihiin dad aqoon leh oo aan dalka iyo dadka ka gelin wax danbi ah, kuwo tiro yar oo gadaal looga soo daray mooyee.

Idale News Muqdisho