Dhageyso:Waxgarad iyo Odiyaal ku baaqay in la joojiyo dagaalka Guriceel

0
272

Muqdisho(INO)-Waxgaradka iyo Odiyaasha ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta ee ka soconayaa Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa ka digay dagaal dambe oo ka dhaca degmada guriceel ee gobolka Galgaduud. 

Nabad_doonnada_Hiiraan-620x330

Waxay sheegeen Shacabka Guriceel aysan iminka u baahneyn dagaal iyo Colad dambe oo ka dhacda Degmadaasi, waxayna tilmaameen in shacabka ay diyaar u yihiin iney heshiiyaan iyo sidoo kale iney Maamul sameystaan.


Waxgaradka iyo Odiyaasha ayaa ku baaqay in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaalka ka soconayaa Degmada guriceel, wax walbana lagu dhameeyo wada hadal.isla markaana lagala dhex galo beelaha ku dagaalamayo degmadaasi.


Labadi Maalin e la soo dhaafay ayaa Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada dhexe ee Dalka waxana ka soconaayay dagaalo u dhaxeeya beelaha wada daga goboladaasi, waxana Madaxda Dowlada Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ku baaqeen in la joojiyo dagaalkaasi.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here