DEG DEG:Ciidamada Dowlada oo Dib u Qabasaday Magaalada Guriceel iyo Dagaal Qarar oo Socda

0
198

Guracel(INO)-Wararka ka imanaya Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaalkii qarar ee aroornimadii saakay uu wali socda .

breakingIdaleNews

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Ciidamada Dowlada oo maalin kahor laga saaray Magaaladaasi ay saakay weerar xoogan ku qaadeen Magaalada Guriceel, Dagaalka ayaana lasoo sheegayaa in uu kasocda qebo kamid ah Magaaladaasi.

Goob joogayaal kusugan Guriceel ayaa kuwaramaya in dagaalka uu yahya mid xoogan ayna maqlayaan rasaasta labada dhinac ay is dhaafsanayaan, waxaana Magaalada gudaha u galay Ciidadamada Dowlada ee dhawaan laga saaray.

Wali lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka saakay mar kale dib uga qarxay Magaalada Guriceel, waxaana Magaaladaasi gaarayay maalmahan ciidamo gurmad ah oo kala taabacsan labada dhinac ee Dagaalamaya.

Shacabkii ku dhaqnaa Magaalada Guriceel ayaa intooda badan isaga barakaya halkaasi , waxaana jira cabsi la xariirta in dagaalka labada dhinac uu sii xoogeesto , waxaana jira baaqyo loo dirayo dhinacyada dagaalamaya oo laga codsanayo in ay dagaalka joojiyaan ayna nabada qaataan.

Idale News Online, Guracel.