Dhageyso:Wasiirka Arimaha Gudaha Ee KG Soomaaliya Oo La Kulmey Hey’adaha Gargaarka

0
215

Baydhabo(INO)-Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Sata ayaa Warbaahita u sheegey in ay kulan balaaran la qaateen maanta  hey’adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ee fidiya gargaarka. Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay Baydhabo.

shir

“Shir muhiim ah ayaa loo qabtay hey’adaha maxaliga iyo kuwa Qaramada Midoobey, wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shirka isugu yeertey , ujeedada waxay ahayd is barasho maamulka Koonfur Galbeed iyo hey’adaha, waxaa ka qeybgalay golaha wasiiradda intooda badan, qaarkood ka yimid Nairobi” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale waxa uu wasiirka sheegey in wadashaqayn looga baahanyahay hey’adaha , maamulkana uu hagi doono hadba baahiyaha jira.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.